HomeWararSenatoro Mareykan ah oo ka hortagya  hub laga iibinayo Imaaraadka Carabta

Senatoro Mareykan ah oo ka hortagya  hub laga iibinayo Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Saddex Senator oo Mareykan ah ayaa sheegay inay soo saari doonaan sharci isku dayaya inuu ka hortago dadaal uu maamulka madaxweyne Trump ugu iibinayo Imaaraadka Carabta hub ku kacaya 23 bilyan oo dollar. Saddexda Senator oo kala ah, Bob Menendez iyo Chris Murphy oo Dimoqraadi ah iyo Rand Paul oo Jamhuuri ah, ayaa soo saari […]

- Advertisement -

Saddex Senator oo Mareykan ah ayaa sheegay inay soo saari doonaan sharci isku dayaya inuu ka hortago dadaal uu maamulka madaxweyne Trump ugu iibinayo Imaaraadka Carabta hub ku kacaya 23 bilyan oo dollar.

Saddexda Senator oo kala ah, Bob Menendez iyo Chris Murphy oo Dimoqraadi ah iyo Rand Paul oo Jamhuuri ah, ayaa soo saari doona afar qaraar oo kala duwan oo lagu diidayo hubkan laga iibinayo Imaaraadka, oo isugu jira diyaaradaha drone-ka iyo kuwa F-35 iyo gantaallada lidka diyaaradaha.

- Advertisement -

Iibinta hubkan ayaa wax weyn ka beddeli kara miisaanka awoodda dalalka Bariga Dhexe, waxaana xubnaha Congress-ka ay ka walaacsan yihiin deg degta maamulka uu hubka ku iibinayo.

Qaar badan oo ka mid ah sharci dejiyayaasha ayaa sidoo kale ka walaacsan in Imaaraadka ay hubkan u adeegsan doonaan weeraro waxyeelo gaarsiin doona shacabka Yemen, halkaasi oo dagaal sokeeyey uu ka socdo in ka abdan shan sano.

Sharci-dejiyayaasha ayaa isku dayaya inay dib u dhigaan iibkan, ayada oo ay adag tahay inay joojiyaan, waxayna rumeysan yihiin in maamulka Joe Biden uu joojin doono marka uu talada dalka la wareego.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories