HomeWararSaraakiil uu ka mid yahay Jeneraal Gabre oo amar lagu bixiyay in...

Saraakiil uu ka mid yahay Jeneraal Gabre oo amar lagu bixiyay in la soo xiro

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in booliska Federaalka ee waddankaas ay waaran soo qabasho ah u jareen 76 sarkaal oo ka tirsan milateriga, kuwaas oo loo haysto khiyaano qaran. Saraakiishan oo darajooyin kala duwan leh ayaa u badan qowmiyadda Tigray, waxaana ka mid ah Jen Gabre oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya. Dhanka […]

- Advertisement -

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in booliska Federaalka ee waddankaas ay waaran soo qabasho ah u jareen 76 sarkaal oo ka tirsan milateriga, kuwaas oo loo haysto khiyaano qaran.

Saraakiishan oo darajooyin kala duwan leh ayaa u badan qowmiyadda Tigray, waxaana ka mid ah Jen Gabre oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya.

- Advertisement -

Dhanka kale, xukuumadda Itoobiya ayaa beenisay inay beegsanayso dadka rayidka ah ee deegaanka Tigray, xilli uu meel adag marayo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

Waxaa aad u adag in xog sax ah laga helo goobaha uu dagaalka ka socdo maadaama khadadka isgaarsiinta ay wali go’an yihiin.

Hogaanka Tigray ayaa sheegay inay iska caabiyeen duulaanka, waxaana ay xukuumadda Addis Ababa ku eedeeyeen inay beegsanayso dadka rayidka ah.

- Advertisement -

Weli waxaa socda qulqulka qaxootiga ka cararaya colaadda Tigray ee gaaraya Sudan oo daris la ah dalka Itoobiya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories