HomeWararKhasaaro ka dhashay Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho

Khasaaro ka dhashay Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Barqanimadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya warar kaal duwan oo ku aaddan Qaraxaasi la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay. Qaraxa ayaa ka dhacay degaanka lafoole ee duleedka Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqanno Shanta Golaha sare, waxaana la sheegay in […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Barqanimadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya warar kaal duwan oo ku aaddan Qaraxaasi la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay.

Qaraxa ayaa ka dhacay degaanka lafoole ee duleedka Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqanno Shanta Golaha sare, waxaana la sheegay in Qaraaxaasi lagu aasay Maqaayad ay ku sugnaayeen Ciidanka Dowladda iyo dad kaloo shacab ah.

- Advertisement -

Khasaare dhimasho iyo dhawaac leh ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana a wararku sheegayan in ay ku dhinteen labo askari halka ay ku dhaawacmeen seddex ruux oo shacab ah.

Jugta Qaraxa ayaa si weyn looga Maqlay degaanka lafoole, waxaana dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in uu qaraxu ahaa mid aad u xooggan.

Ciidanka Dowladda ayaa gaaray halka falku ka dhacay, waxana ay sameeyeen howlgallo ballaaran oo ay ku baadi goobayaan dadkii qaraxaasi a dambeeyay.

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaasi, warar lagu baahiyay Warbaahinta ku hadasha Afka  Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Qaraaxasi ay Shabaab ka dambeeyeen, ayna la beegsadeen ciidanka Dowladda.

Inta abdan qaraxyada noocaan ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ka gaysta Al-shabaab, waxaana waxyeelo ay kasoo gaartaa Askarta dowladda iyo dadka shacabka ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories