HomeWararGolaha wakiilada Puntland oo la horgeeyay miisaaniyadda sanadka 2021

Golaha wakiilada Puntland oo la horgeeyay miisaaniyadda sanadka 2021

Date:

Related stories

44 Somalis Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

Wasaaradda Maaliyada Dawlad Goboleedka  Puntland ayaa maanta horgeysay Golaha wakiilada Puntland miisaaniyada Dawladda Puntland ee sanadka 2021. Miisaaniyadan Golaha la horgeeyey ayaa sanadkii dhan $341,861, 037. Taas oo kala ah miisaaniyada laga maamulaayo khasnada Dawlad Goboleedka oo dhan  $139,768,739 iyo miisaaniyada ka baxsan khasnada oo dhan $202,092,298 taas oo ah mashaariic ay hay’adaha caalamiga ka […]

- Advertisement -

Wasaaradda Maaliyada Dawlad Goboleedka  Puntland ayaa maanta horgeysay Golaha wakiilada Puntland miisaaniyada Dawladda Puntland ee sanadka 2021.

Miisaaniyadan Golaha la horgeeyey ayaa sanadkii dhan $341,861, 037.

- Advertisement -

Taas oo kala ah miisaaniyada laga maamulaayo khasnada Dawlad Goboleedka oo dhan  $139,768,739 iyo miisaaniyada ka baxsan khasnada oo dhan $202,092,298 taas oo ah mashaariic ay hay’adaha caalamiga ka fulinayaan Puntland.

Ku-simaha Wasiir Maaliyadda ahna Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Eng: Cumar Xassan Fiqi oo golaha ka horjeediyey faah-faahinta miisaaniyada ayaa tilmaamay inay wasaaradu qabatay shaqooyin baaxad leh, kuwo horlehna ay qorshaysan yihiin sanadka soosocda ee 2021 hadii ale idmo, wuxuuna sheegay in wax yaabaha qorahaysan ay kamid tahay hirgelinta Khasnada midaysan ee Dawladda oo laga maamuli doono dhamaan arimaha maaliyadda Puntland oo ay kamid yihiin mashaariicda ay hay’adaha caalamiga ka fuliyaan Puntland.

Ugu dambayn Wasiir Fiqi ayaa golaha ka codsaday inay ansixiyaan miisaaniyada hortaala si loo dhaqan geliyo bilowga sanadka cusub.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories