HomeWararBeesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashooyinka dalka Soomaaliya

Beesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashooyinka dalka Soomaaliya

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Beesha Caalamka ayaa Waxaa ay si gaar ah u  adkeynayeen  xaqiijinta wadar-oggol lagu yahay, oo lagu gaaro dhismaha guddiyada maamulka doorashooyinka, oo ay tahay in boqolkiiba 30 ay ku jiraan matalaadda haweenka, waxaana sidoo akle ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka iyo is afgaradka si horay loogu sii wado […]

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa Waxaa ay si gaar ah u  adkeynayeen  xaqiijinta wadar-oggol lagu yahay, oo lagu gaaro dhismaha guddiyada maamulka doorashooyinka, oo ay tahay in boqolkiiba 30 ay ku jiraan matalaadda haweenka, waxaana sidoo akle ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka iyo is afgaradka si horay loogu sii wado howlaha doorashooyin loo dhanyahay.

Hoos ka aqriso Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka

- Advertisement -

Arrimaha ku saabsan codeynta/doorashada 2020/21 ee heer federaal, waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka kaas oo horseeday heshiisyo la gaaray intii lagu guda jiray wadatashiyadii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah  iyo Dowlad Goboleedyada ee ka kala dhacay Dhusamareeb iyo Muqdisho. Waxaan dhiirigalinaynaa wadahadal waara oo ku jaan-go’an habka-shaqo ee u degsan Golaha Wadatashiga Qaranka, wadahadalkaas oo lala yeesho saamilayda kale ee muhiimka ah si geedi-socodka doorashada loogusii ilaaliyo tubtiisa, uuna u noqdo mid loo wada dhanyahay.

Waxaan si gaar ah u sii adkeynaynaa in xaqiijinta wadar-oggol laga gaaro dhismaha guddiyada maamulka doorashooyinka, oo ay tahay in boqolkiiba 30 ay ku jiraan matalaadda haweenka, iyo xal laga gaaro khilaafaadka ku saabsan sida codbixinta doorashada federaalka uga dhacayso gobolka Gedo iyo [xal u helidda] kuraasta loo qoondeeyey beelaha Somaliland, ay muhiim u yihiin daahfurnaanta, sharciyadda, suurtagalnimada iyo hirgelin waqtigeeda ku dhacda ee geedi-socodka doorashada. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda DFS iyo DGXF, guddiyada maamulka doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah inay qaadaan dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in ugu yaraan boqolkiiba 30 Xildhibaanada iyo Senetarada ka imaanaya beel kasta ay yihiin haween isla markaana doorashadu ku dhacdo waqtigeeda.

Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqayno dhamaan saamilayda Soomaaliyeed si aan ugu doodno hirgelin hufan oo la hirgeliyo doorasho federal ah oo nabdoon, lagu kalsoonyahay oo ay hogaankeeda leeyihiin dadka Soomaaliyeed, taas oo ku salaysan wadar-oggol iyo ballan-qaadyadii uu sameeyay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories