HomeWararBeesha Caalamka oo soo dhoweysay doorashadii ka dhacday Hirshabeelle

Beesha Caalamka oo soo dhoweysay doorashadii ka dhacday Hirshabeelle

Date:

Related stories

44 Somalis Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya waxa ay ku sheegeen in ay si dhow ula socdeen dhisiddii golaha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Dowlad Goboleedkaa iyo sidoo kale diyaargarowga socda ee loogu jiro doorashooyinka federaalka ah ee Soomaaliya. Waxa ay xuseen […]

- Advertisement -

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya waxa ay ku sheegeen in ay si dhow ula socdeen dhisiddii golaha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Dowlad Goboleedkaa iyo sidoo kale diyaargarowga socda ee loogu jiro doorashooyinka federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxa ay xuseen in ay ku rajo weynyihiin kala shaqeynta Madaxweynaha Hirshabeelle horumarinta dhinacyada kala duwan.

- Advertisement -

“Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya waxay si dhow ula socdeen dhisiddii golaha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Dowlad Goboleedka iyo u diyaargarowga socda ee loogu jiro doorashooyinka federaalka Soomaaliya.Waxaan ku hanweynahay inaan Madaxweynaha Hirshabelle ee dhowaan la doortay Cali Guudlaawe kala shaqeyno horumarinta dib u heshiisiinta, isu keenidda dhammaan beeelaha iyo bulshada reer Hirshabelle, la dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata iyo wax ka qabashada arrimaha dowlad-dhisidda iyo dhaqan-dhaqaale ee hortabinta u leh Hirshabelle” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka .

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories