HomeWararTaliska Milatariga Israa'iil oo sheegay in ay weerar aargoosi ah ku qaadeen...

Taliska Milatariga Israa’iil oo sheegay in ay weerar aargoosi ah ku qaadeen Iiraan iyo Suuriya

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Taliska Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay habeennimadii xalay duqeymo aargoosi ah u geysteen bartilmaameedyo ay leeyihiin milatariga Iiraan iyo kuwa Suuriya, oo ku yaalla gudaha waddanka Suuriya, kaddib markii ay bambooyin qarxi kara ku arkeen dhulka ay heystaan ee buuraleyda Golan. Telefishinka ku hadla afka dowladda Suuriya ayaa sheegay in ciidamada difaaca cirka ee dalkaas […]

- Advertisement -

Taliska Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay habeennimadii xalay duqeymo aargoosi ah u geysteen bartilmaameedyo ay leeyihiin milatariga Iiraan iyo kuwa Suuriya, oo ku yaalla gudaha waddanka Suuriya, kaddib markii ay bambooyin qarxi kara ku arkeen dhulka ay heystaan ee buuraleyda Golan.

Telefishinka ku hadla afka dowladda Suuriya ayaa sheegay in ciidamada difaaca cirka ee dalkaas “ay la tacaaleen duqeymaha Israa’ill” ayna dhulka soo dhigeen tiro gantaalo ah.

- Advertisement -

Wuxuu sidoo kale soo tabiyay in weerarradaas lagu dilay saddex askari oo reer Suuriya ah, mid kalena uu ku dhaawacmay.

Hase yeeshee kooxda dabagalka ku sameysa xaaladda Suuriya ayaa shaacisay in duqeymahaas ay ku dhinteen 10 ruux oo ay ku jiraan saddex u dhalatay dalka Iiraan.

Israa’iil ayaa sanadihii lasoo dhaafay marar badan oo hore weerarro xaga cirka ah la beegsatay fariisimo ay milatariga Iiraan ku leeyihiin gudaha Suuriya iyo saldhigyo ay xulafada kale ee garab taagan dowladda Suuriya ee uu madaxweynaha ka yahay Bashaar Al-Asad.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories