HomeWararNin isaga oo Sujuudsan ku geeriyooday Masjid ku yaalla Muqdisho

Nin isaga oo Sujuudsan ku geeriyooday Masjid ku yaalla Muqdisho

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Waxaa xalay Salaadii maqrib kahor Masaajid ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Deyliine ee Gobolka Banaadir ku geeriyooday Sheekh kamid ahaa Jameecada Masaajidka, xili uu tukanayay Salaad. Dad ku sugnaa Masjidka loo yaqaano Muumino Ceelbuur ee degmada Deyliine ee Muqdisho ayaa sheegay in Sheekhaas uu dhintay, xili uu u taagnaa dukashada Salaad Sunno ah. Allaha […]

- Advertisement -

Waxaa xalay Salaadii maqrib kahor Masaajid ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Deyliine ee Gobolka Banaadir ku geeriyooday Sheekh kamid ahaa Jameecada Masaajidka, xili uu tukanayay Salaad.

Dad ku sugnaa Masjidka loo yaqaano Muumino Ceelbuur ee degmada Deyliine ee Muqdisho ayaa sheegay in Sheekhaas uu dhintay, xili uu u taagnaa dukashada Salaad Sunno ah.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Marxuumka dhintay oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali ayaa dhintay tukanayay Salaad sunno ah kahor inta aan la aqamin salaadii Maqrib ee xalay, waxa uuna geeriyooday isaga oo u sujuudsan rakcada u dambeysa.

Jameecada Masaajidka ayaa u gurmaday oo isku toosiyay marxuumkan nasiibka badan ee geeriyooday isaga oo salaad ku jira, waxaana markii dambe Masaajidka tegay qaar kamid ah Ehelada Marxuum Xuseen oo qaaday Meydka.

Dadkii ku sugnaa asjidka loo yaqaano Muumino Ceelbuur ee degmada Deyliine ee Muqdisho ayaa Alle uga baryay Xuseen Cali inuu Janada ka waraabiyo, waxaana geeridaas ka naxay qaar kamid ah Jameecada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories