HomeWararIllhaan Cumar oo Eedeyn Culus u jeedisay Dowladda Itoobiya

Illhaan Cumar oo Eedeyn Culus u jeedisay Dowladda Itoobiya

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Gabdhada Soomaaliyeed ee Illhaan Cumar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa ka hadashay dagaal xoogan ee u dheexeya Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Gobolka Tigree-ga. Illhaan Cumar ayaa dowladda Federaalka Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku eedeeysay inay gashay nooc kasta oo dagaal ah, isla markaana la gashay Gobolka Tigree-ga […]

- Advertisement -

Gabdhada Soomaaliyeed ee Illhaan Cumar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa ka hadashay dagaal xoogan ee u dheexeya Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Gobolka Tigree-ga.

Illhaan Cumar ayaa dowladda Federaalka Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku eedeeysay inay gashay nooc kasta oo dagaal ah, isla markaana la gashay Gobolka Tigree-ga oo kamid ah Gobolada dalkaas.

- Advertisement -

Sidoo kale Illhaan Cumar ayaa tilmaamay in Itoobiya ay duqeysay Magaalooyin ka tirsan Tigree-ga, sidoo kalena ay weerar khasaaro lilaax leh geystay ku qaaday Gobolkaas, sidoo kalena xirtay dad farabadan oo kasoo horjeeday.

“Dowladda Itoobiya waxay xirtay kuwii ka soo horjeeday, waxay ku hanjabtay duqayn, waxayna nooc kasta oo dagaal ah la gashay mid kamid ah gobolladeeda gaar ahaan Tigray”. Ayay tiri Xildhibaanad Illhaan Cumar.

Dagaalka u dhexeeya Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Itoobiya iyo Ismaamulka Gobolka Tigree-ga ayaa galay todobaadkii labaad oo xiriir ah, isla  markaana ciidanka Milateriga ayaa qabsaday Magaalooyin muhiim u ah TPLF.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories