HomeWararFaah faahin:-Qarax lala eegtay Ciidamo oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahin:-Qarax lala eegtay Ciidamo oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Faah faahino ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Fagax, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Fagax, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xili ay socdaal ku marayeen halka loo yaqaano Masaajidka Turkiga ee ku yaalla meel ku dhow Isgoyska Fagax ee Muqdisho.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxa kadib Ciidanka AMSIOM iyo kuwa ka tirsan dowladda Federaalka ay fureen xoogan oo laga ridayay qoriga loo yaqaano dhashiikaha iyo dabajeexa.

Warar hordhac ah oo laga helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro kala duwan, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay baaritaano ka wada Ciidanka dowladda Federaalka.

Qaraxaas ka dhacay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka Dugsida tababarka Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar-Jajab, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories