HomeWararMuwaadin Soomaaliyeed oo kufsi ka geystay dal ku yaalla Yurub

Muwaadin Soomaaliyeed oo kufsi ka geystay dal ku yaalla Yurub

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Axmed Maxamuud oo ah Muwaadin Soomaaliyeed deganaa muddo dheer Dalka Sweden ayaa lagu xukumay 14 sanno oo xarig ah, kadib markii uu fal kufsi u geystay Gabar 9-sanno jir ah. Axmed ayaa Gabadha yar markii hore geeyey qeybta hoose ee Guriga uu deganaa, si uu ugu faraxumeeyo halkaas, isla markaana Gabadha qoorta ka saaray Middi […]

- Advertisement -

Axmed Maxamuud oo ah Muwaadin Soomaaliyeed deganaa muddo dheer Dalka Sweden ayaa lagu xukumay 14 sanno oo xarig ah, kadib markii uu fal kufsi u geystay Gabar 9-sanno jir ah.

Axmed ayaa Gabadha yar markii hore geeyey qeybta hoose ee Guriga uu deganaa, si uu ugu faraxumeeyo halkaas, isla markaana Gabadha qoorta ka saaray Middi uu watay, kadibna sidaas ugu geystay kufsiga.

- Advertisement -

Gabadha la dhibaateeyay ayaa waxaa la tilmaamay in markii hore ay taagneyd goob gaadiidka laga raaco, iyadoona xiligaas u socotay Iskuul ay wax ka baraneysay, hayeeshee Axmed Maxamuud ayay oo isna joogay goobta ayey ka dalbatay inuu la raadiyo furo ka lumay, isagoo markii dambena watay.

Axmed ayaa falka kadib waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka Booliska Magaalada Norrköping ee dalka Sweden, waxaana la horgeeyay Maxkamad, si sharciga loo marsiiyo.

Muwaadin Axmed Maxamuud ayaa Maxkamadda horteeda ka diiday inuu falkaas gaystay, balse DNA laga qaaday ayaa lagu ogaaday inuu isagu kufsaday Gabdha yar, waxaana lagu xukumay 14-sanno oo xabsi.

- Advertisement -

Axmed Maxamuud oo ah Muwaadin Soomaaliyeed deganaa muddo dheer Dalka Sweden ayaa markiisii horey ku shaqeysan jiray xirfada turjumaanka, kadibna wuxuu ka shaqeynayay qaybta qaybta dhismaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories