HomeWararShil xalay ka dhacay duleedka Garoowe iyo faah faahin kasoo baxeysa

Shil xalay ka dhacay duleedka Garoowe iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Shil gaari ayaa xalay ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag, kaasi oo yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari mid uu ahaa kuwa xamuulka qaada iyo mid kale uu  raaxo ahaa, waxaana kasoo baxaya faah faahin. Shilkaas ayaa waxaa uu sigaar uga dhacay deegaan lagu magacaabo Libaaxo oo 86-KM u jira Mgaaalada Garoowe […]

- Advertisement -

Shil gaari ayaa xalay ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag, kaasi oo yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari mid uu ahaa kuwa xamuulka qaada iyo mid kale uu  raaxo ahaa, waxaana kasoo baxaya faah faahin.

Shilkaas ayaa waxaa uu sigaar uga dhacay deegaan lagu magacaabo Libaaxo oo 86-KM u jira Mgaaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana ku dhintay hal ruux oo ahaa Darawalkii waday gaari raaxada, mana jiro khasaaro kale oo lasoo weriyay.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in labada gaari  ee isku dhacay ay ka yimideen dhinaca Magaalada Boosaaso, isla markaana kusii jeeday Garoowe, hayeeshee xili ay marayeen Libaaxo ayuu gaarigii weynaa dul-maray gaari yar oo gabi ahaan burburay.

Ninka shilka ku geeriyooday ayaa dad yaqaanay waxaa ay magacaabiisa ku sheegeen Jimcaale Daahir Cismaan, waxaana goobta Meydkiisa ka qaaday  dad halkaas ka Agdhawaa, isagoona la geeyay Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Habeen kahor ayay aheyd shil gaari uu ka dhacay degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland, waxaana shilkaas ku geeriyooday laba ruux, halka qof kalena uu dhaawac kasoo gaaray.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories