HomeWararDowladda Somalia oo walaac ka muujisay soo laba kacleynta COVID-19

Dowladda Somalia oo walaac ka muujisay soo laba kacleynta COVID-19

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Waxaa dunida ku soo laba kacleeyay Xanuunka COVID19, Somalia waxaa ay ka mid tahay dalalka uu dib ugu soo laba kacleeyay Cudurka COVID-19, waxana sare u kac ku yimid tirada dadka laga helay xanuunka iyo sidoo isa soo taraya warbixinnada ka imaanayana xarumaha caafimaad ee kala duwan ee ku saabsan bukaanada la xanuunsanaya cudurka faafa […]

- Advertisement -

Waxaa dunida ku soo laba kacleeyay Xanuunka COVID19, Somalia waxaa ay ka mid tahay dalalka uu dib ugu soo laba kacleeyay Cudurka COVID-19, waxana sare u kac ku yimid tirada dadka laga helay xanuunka iyo sidoo isa soo taraya warbixinnada ka imaanayana xarumaha caafimaad ee kala duwan ee ku saabsan bukaanada la xanuunsanaya cudurka faafa ee Covid- 19, taa soo muujinaysa soo laabasha xanuunkan.

Wasaarada Caafimaadka waxaa ay dib u howl galisay guddiyada iyo xarumaha la tacaalida iyo xakameynta cudurka COVID-19, sidoo kale wasaarada caafimaadka ayaa dib u qaabayn ku sameesay hanaanka gurmadka iyo ka hortaga fayraska Karoona.

- Advertisement -

Waxaa si wanaagsan u shaqaynaya xarumaha wicitaanka dadweynaha iyo Numberka wicitaanka ee 449 oo ay dadku soo wici karaan xilli walba iyagoo helaya tallooyin caafimaad iyo xariirada Isbitaalada lagu dabiibayo cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Wasaarada Caafimaadka ayaa dadaal dheeri ah ku bixinaysa sare u qaadida baaritaanada iyo Xoojinta wacyigalinta.

Xogta guud xanuunka COVID-19 ee dalka laga soo bilaabo Bisha March illaa November 2020.

- Advertisement -

1 Tirada guud ee dadka laga baaray 53,372

2 Tirada guud dadka laga helay 4,382

3 tirada bukaanada ka bogsooday 3,384

4 Guud ahaan tirada dhimashada 108

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories