HomeWararC/raxmaan C/Shakuur oo u digay Madaxweynaha Maamulka Galmudug

C/raxmaan C/Shakuur oo u digay Madaxweynaha Maamulka Galmudug

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uga digay inuu ka shaqeeyo Ajende la xiriira Doorashada Federaalka 2020/2021. Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur ayaa Madaxweyne Qoorqoor, Golihiisa Wasiirada iyo Baarlamaanka Galmudug kula teliyay inay ka shaqeeyaan danta iyo horumarinta Maamulka Galmudug. Sidoo kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Madaxweyne Axmed […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uga digay inuu ka shaqeeyo Ajende la xiriira Doorashada Federaalka 2020/2021.

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur ayaa Madaxweyne Qoorqoor, Golihiisa Wasiirada iyo Baarlamaanka Galmudug kula teliyay inay ka shaqeeyaan danta iyo horumarinta Maamulka Galmudug.

- Advertisement -

Sidoo kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ugu baaqay in uusan Maamulka Galmudug dib ugu celin halkii ay beeshay sanadkii 2016.

“Anaga waxaan aaminsanahay in Galmudug gudaheeda looga shaqeeyo ku fiican tahay, laakiin meesha Galmudug marka hore beeshay haddana beeleysa waxa waaye, marka ajande doorasho Federaal looga shaqeeyo 2016 halkaas ayay beeshay oo waxaa la isku dayay doorashadii xamar in looga shaqeeyo, wixii ka dhacay waa la ogaa, haddana tii ayaa socoto, Madaxweynaha waa uga digaynaa, Madaxweynaha, Golihiisa Wasiirada iyo Baarlamaanka danta galmuudug haka shaqeeyaan, haddii ay isku dayaan inay ugu shaqeeyaan doorasho Federaal Madaxweynaha hadda jooga tii 2016 meesheeda ayay marayaan.” Ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa is weyn uga soo horjeeda qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, isagoo dhowr jeer eedeymo Culus u jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iiusl Wasaare Rooble.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories