HomeWararBanaanbax cabasho ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe

Banaanbax cabasho ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ka dhacay Banaanbax socday muddo kooban oo ka dhan ahaa Go’aan ay soo saartay Shirkadda Dhaweeye ee leh gaadiidka yaryar ee ka shaqeeya halkaas. Banaanbaxa ayaa waxaa dhigay inta badan Darawalada gaadiidka Dhaweeye ku shaqeysta ,isla markaan banaanbaxooda uga cabanayay lacag dheeraad ah oo ay ku soo […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ka dhacay Banaanbax socday muddo kooban oo ka dhan ahaa Go’aan ay soo saartay Shirkadda Dhaweeye ee leh gaadiidka yaryar ee ka shaqeeya halkaas.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigay inta badan Darawalada gaadiidka Dhaweeye ku shaqeysta ,isla markaan banaanbaxooda uga cabanayay lacag dheeraad ah oo ay ku soo rogtay Shirkadaas oo leh gaadiidka yaryar oo ay ka shaqeystaan.

- Advertisement -

Darawalada oo u badan dhalinyaro oo  isugu soo baxay bartamaha Magaalada Garoowe ayaa sheegay in macquul aysan aheyn inay bixiyaan lacagta dheeraadka ay kusoo rogtay Shirkadda gaadiidka Dhaweeye, maadama aysan awood u laheyn bixinta lacagtaas.

Sidoo kale Darawalada gaadiidka yaryar ayaa tilmaamay in sababta aysan u bixin karin lacagtaas lagu soo rogay ay tahay in mararka qaarkood Darawalada aysan shaqeynba in ku filin, taasina ay tahay mid keentay inay banaanbaxa dhigaan.

Shirkadda gaadiidka yaryar ee Dhaweeye ayaa weli wax war ah kasoo saarin banaanbixii cabashada ahaa ay dhigeen Darawalada gaadiidkooda ku shaqeysto ee ku sugan Magaalada Garoowe, waxaana halkaas siweyn looga isticmaalaa gaadiidka Dhaweeye.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories