HomeWararXildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Guddiga adeega Garsoorka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Guddiga adeega Garsoorka

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ugu soo gaba-gaboobay kulankii caadiga ahaa oo ay yeesheen. Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana goobjoog ka ahaa in ka badan 140 Xildhibaan, kuwaasi oo xalay loo farriismo ku aadan kulankii dhacay. Ajendah […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ugu soo gaba-gaboobay kulankii caadiga ahaa oo ay yeesheen.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana goobjoog ka ahaa in ka badan 140 Xildhibaan, kuwaasi oo xalay loo farriismo ku aadan kulankii dhacay.

- Advertisement -

Ajendah kulankaas ayaa waxaa uu ahaa U codeynta xubnaha Guddiga adeega garsoorka iyo Sidoo kale u codeynta xubnaha Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, iyadoo Xildhibaanada ajendayaasha dood ka yeeshay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka oo ka kooban, kuwaasi oo ka kooban 7 xubnood.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijda Codeyntii loo qaaday Guddiga, wuxuuna sheegay inay ogolaatay ansixinta 145 mudane, wax diiday ma jira, sidoo kalena wax ka amuusayna ma lahan”

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Golaha Shacabka usoo gudbiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mariyay aqrinta 3-aad Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, waxaa loo qeybiyay sidoo kale Qoondaha miisaaniyadda 2021.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories