HomeWararWefdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Garoowe

Wefdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Garoowe

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,halkaa oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay. Socdaalka shaqo oo qaadanaya muddo ku dhow toddobaad ayaa sidoo kale, wasiirka wuxuu booqan doono deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna deegaannada ay ka socdaan barnaamihyada ay wasaaraddu ku taageerayso […]

- Advertisement -

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,halkaa oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka shaqo oo qaadanaya muddo ku dhow toddobaad ayaa sidoo kale, wasiirka wuxuu booqan doono deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna deegaannada ay ka socdaan barnaamihyada ay wasaaraddu ku taageerayso bulshada nugul.

- Advertisement -

“Waxay noo tahay arrin muhiim ah booqashadan uu wasiirka ku soo gaaray Garoowe, wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka waxaa naga dhaxeeya wada shaqeyn ballaaran” Marwo Hodan Siciid Xasan, wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo wasiirka iyo wafdigiisa ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha Jen Maxamed Abshir ayaa u sheegtay warbaahinta.

Wasiir Duraan Faarax, ayaa sheegay socdaalkan inoo xaqiijinayo sida ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’antahay in la daadajiyo adeegyada muhiimka u ah bulshada, wuxuuna inta ku daray inay hadda diiradda saarayaan sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagu dhimayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta.

“Ujeeddada waxay tahay sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyada ay wasaaraddan ku taageerrayso..waxaana tagi doona deegaanno kale oo Puntland ah si loo dardargaliyo ,qiimeyna loogu sameeyo barnaamijka Baxnaano oo taageerro dhaqaalo ay ka helayaan qoysas badan oo reer Puntland ah gaar ahaanna kuwa nugul.” ayuu yiri.

- Advertisement -

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa kalo uu caddeeyay in dhowaan la guda gali doono taageerro dhaqaale oo la siinayo qoysaska uu saameynta ku yeeshay Ayaxa.

Booqasho uu wasiirka ku tagey Garoowe, waxaa ku weheliya saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda oo ay qeyb ka tahay agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ahna madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullahi.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories