HomeWararSomalia oo Kenya ku tilmaamtay inay tahay dalka ugu muhiimsan ee deriska...

Somalia oo Kenya ku tilmaamtay inay tahay dalka ugu muhiimsan ee deriska la ah

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay qaataday Go’aan siyaasadeed oo lagu doonayo isku soo dhaweyn lagu mideynayo dalalka ku yaalla geeska Afrika ee xiriirka la leh Soomaaliya. Wasiir Cawad oo khudbad ka jeediyay Munaasabad ka dhacday Magaalada Nairobi ayaa waxaa cadddeeyay in dalka Kenya uu yahay […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay qaataday Go’aan siyaasadeed oo lagu doonayo isku soo dhaweyn lagu mideynayo dalalka ku yaalla geeska Afrika ee xiriirka la leh Soomaaliya.

Wasiir Cawad oo khudbad ka jeediyay Munaasabad ka dhacday Magaalada Nairobi ayaa waxaa cadddeeyay in dalka Kenya uu yahay dilka ugu muhiimsan dalalka Soomaaliya deriska la ah, uuna ka dhexeeyo xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya in dowladda ay qaataday siyaasad isku dhaweyn ah, isla markaana lagu doonayo in lagu adkeeyo siyaasadda Arrimaha dibadda ee dowladda.

Afartii sanno ee lasoo dhaafay ayuu Wasiir Axmed Ciise Cawad tilmaamay in dowladda Federaalka ay ku howlaneyd sidii siyaasada arrimaha dibadda ay noqo laheyd mid ka shaqeysa isku soo dhawaanshaha dalalka Gobolka.

“Soomaaliya waxay aaminsan tahay dalalka ugu muhiimsan in ay yihiin dalalka deriska nala ah sida Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Eritrea iyo labada Suudaan . Adduunkii waa isku soo dhawaanayaa, anagana waxaan nagala rabaa in aanan qol iskusoo xirin oo aan la socono isbedela ka socda gobolka,” ayuu yiri Wasiir Cawad oo ka qeyb galay Munaasabadii lagu daah-furayay safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories