HomeWararShil mar kale Maanta ka dhacay Mudug iyo khasaaro ka dhashay

Shil mar kale Maanta ka dhacay Mudug iyo khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka aan ka heleyno Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in mar kale Maanta deegaan ka tirsan Gobolkaas uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaaro kala duwan. Shilkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nooca raaxada ah, xili ay socdaal ku marayeen halka loo yaqaano Indho-qaris […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in mar kale Maanta deegaan ka tirsan Gobolkaas uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaaro kala duwan.

Shilkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nooca raaxada ah, xili ay socdaal ku marayeen halka loo yaqaano Indho-qaris oo u dhow deegaanka lagu magacaabo deeganka Docol ee Mudug.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo ku warramay in shilkaas uu ka dhashay khasaaro dhaawacyo, ah  waxaana dadkii ku dhaawacmay labada gaari loo kala qaaday Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.

Baqranimadii Maanta ayay aheyd markii shil gaari uu ka dhacay inta u dhexeeysa Deegaanada ceel-guula iyo Afgaduudle ee Gobolka Mudug, isla markaana ku dhaawacmay laba ruux.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinayay in gaariga Biijiiga ahaa uu siday Shamiindo farabadan iyo qalab kale, isla markaana uu ku socday xawaare sare, uuna markii dambe ka baxay wadada, kadibna uu ku gadoomay laamiga dhinaciisa.

- Advertisement -

Shilala kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa horey uga dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana shilalkaas inta badan loo sababeeyay Darawada oo si taxadar ah aan u wadin gaadiidka iyo wadada oo burbursan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories