HomeWararRW Rooble oo sheegay in dowladdu ay xoogga saari doonto tayaynta hay’adaha...

RW Rooble oo sheegay in dowladdu ay xoogga saari doonto tayaynta hay’adaha Garsoorka

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kormeer shaqo ku tagey xarumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso tayaynta hay’adaha Garsoorka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahayd hannaan Caddaaladeed oo hufan, isagoo warbixinno la xiriira howllaha […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kormeer shaqo ku tagey xarumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso tayaynta hay’adaha Garsoorka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahayd hannaan Caddaaladeed oo hufan, isagoo warbixinno la xiriira howllaha adeeg ee ay u hayaan bulshada ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda, Maxkamadda Sare, Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Eng. Rooble ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddiisa uu aas-aas u yahay hagaajinta hannaaanka caddaaladda, isagoo kula dardaarmay howlwadeennada Wasaaradda iyo dhammaan xarumaha Garsoorka in shacabka Soomaaliyeed loogu adeego si daacadnimo ku jirto oo ka fog musuqmaasuq iyo eex.

“Xukuumaddayda waxaa saldhig u ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed oo la isku halayn karo, anigoo fahmi kara duruufaha adag ee aad ku shaqaysaan, hadana waxaan la idinka rabaa inaad ka fogaataan wax walba oo keenaya musuqmaasuq, bulshadana ugu shaqeysaan si caddaalad ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qaybgalay dhageysiga Garmaqal ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir, taasoo u dhaxeysay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories