HomeWararLafta-gareen oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Sh/Hoose

Lafta-gareen oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Sh/Hoose

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiye Cusub u magacaabay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay inuu noqdo C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, isagoo bedelaya Guddoomiyihii Ibraahim Aadan Cali […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiye Cusub u magacaabay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay inuu noqdo C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, isagoo bedelaya Guddoomiyihii Ibraahim Aadan Cali Najax.

- Advertisement -

Laamaha amniga Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Guddoomiye C/qaadir Maxamed Nuur Siidi, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.

C/qaadir Siidii ayaa horey u soo qabtay xilka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana haatan mar kale xilkaas u magacaabay Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Sababta Is-bedelka loogu sameeyay Maamulka Gobolkaas ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay arrimo la xiriira baahi loo qabo in Is-bedel lagu sameeyo xilka Guddoomiyaha, si loo dardar-geliyo howlaha shaqo ee Gobolka.

- Advertisement -

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu yahay Gobolka ugu amniga xun Gobolada Koonfur Galbeed, isla markaana waxaa ka dhaca qaraxyo lala eegto Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, kuwaasi oo inta badan geysta khasaaro kala duwan, waxaana sidoo kale ka dhaca dagaalo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories