HomeWararDowladda Somalia oo xareysay Guddiyada Doorashooyinka ay magacaawday

Dowladda Somalia oo xareysay Guddiyada Doorashooyinka ay magacaawday

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xareysay Guddiga Doorashada heer Federaal, Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegaya in xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee 2020/2021 ee dowladda Federaalka la dejiyay Hotelka Decale ee dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xareysay Guddiga Doorashada heer Federaal, Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegaya in xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee 2020/2021 ee dowladda Federaalka la dejiyay Hotelka Decale ee dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Guddiyadan ayaa inta ay ku jiraan Hotelka waxay qaadan doonaan tababaro la xiriira nidaamka doorashada, sameynta habraacyada doorashada iyo dhaqan gelinta qodobada heshiiskii siyaasaddeed ee doorashada.

Si kastaba Guddiyan ay xareysay Dowladda ayaa si weyn uga soo horjeeystay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku jiraan Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Sh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale oo badan, iyagoona tilmaamay in xubno ku jira Guddiyada ay ka tirsan yihiin Hay’adda NISA.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories