HomeWararDoon u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed oo caarisay iyo Gurmad socda

Doon u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed oo caarisay iyo Gurmad socda

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa xeebta degmada Gumbax ee Gobolka Gardafuu ee Maamulka Puntland kusoo caarisay  doon siday shixnad farabadan, taas oo maalmihii lasoo dhaafay dul-sabeyneysay xeebta deegaanka Raasa-bibna ee Gobolka Bari. Dadka deegaanka ayaa ku warramay in doonta oo sida Shixnad Ganacsi farabadan ay u suuga-gelin weyday inay ku xirato dekadda Magaalada Boosaaso, […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa xeebta degmada Gumbax ee Gobolka Gardafuu ee Maamulka Puntland kusoo caarisay  doon siday shixnad farabadan, taas oo maalmihii lasoo dhaafay dul-sabeyneysay xeebta deegaanka Raasa-bibna ee Gobolka Bari.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in doonta oo sida Shixnad Ganacsi farabadan ay u suuga-gelin weyday inay ku xirato dekadda Magaalada Boosaaso, isla markaana ay saddexdii maalin ee lasoo dhaafay taagneyn xeebta Raasa-bibna.

- Advertisement -

Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Gumbax ee Gobolka Gardafuu ayaa warbaahinta u sheegay in doonta ay kusoo caarisay xeebta deegaankaas, taasi oo u raran Ganacsto Soomaaliyeed.

Ugu yaraan shan qof oo ah shaqaale Ajaaniib ah una dhalatay dalka Yemen ayaa saarneyd doonta, waxaana socda dedaalo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo doontaasi iyo hantida u saaran ganacsatadaasi Soomaaliyeed ee ku wajahnayd gudaha dalka.

Ma’ahan markii ugu horreeysay oo doon sida Shixnad Gancasi kusoo caarisa xeebta deegaano ka tirsan Puntland, waxaana horey u dhacday in doonyo farabadan ay ku xiran waayeen Dekadda Boosaaso, kadib markii carro dhuux-dhaafisay halkii ay soo mari lahaayeen doomaha.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories