HomeWararC/raxmaan C/Shakuur “Doorasho aan lagu qanacsaneyn kama dhaceyso Muqdisho”

C/raxmaan C/Shakuur “Doorasho aan lagu qanacsaneyn kama dhaceyso Muqdisho”

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka  Soomaaliya oo la filayo inay dalka ka dhacaan dhammaad ka sanadkaan 2020/2021. C/raxmaan C/Shakuur oo la hadlay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho aysan ka dhaceyn Doorasho lagau wada qanacsaneyn marka la gaaro […]

- Advertisement -

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka  Soomaaliya oo la filayo inay dalka ka dhacaan dhammaad ka sanadkaan 2020/2021.

C/raxmaan C/Shakuur oo la hadlay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho aysan ka dhaceyn Doorasho lagau wada qanacsaneyn marka la gaaro xiligii loogu tala-galay Doorashada.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay C/raxmaan in qofkii doonaya inuu Xildhibaan noqdo la geenayo Xarunta Taliska hay’adda Nabadsugida si loo soo hubiyo daanacsanimadiisa iyo lacag laga lagu rabo in lagu soo saaro Xildhibaanada oo taalla Xaruntaas, taas oo uu tilmaamay in laga keenay dalka Qatar.

Madaxweyne Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo ayuu siyaasiga ugu baaqay inuu kalsooni is geliyo, isla markaana uu tartan la galo Musharaxiinta kala duwan ee dooneysa xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

“Doorasho aanaan ku qanacsanayn dalka kama dhacayso, siyaasiyiin baa nahay, deegaanka ayaan ka soo jeednaa, dalkana in aan xukunno ayaan rabnaa, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame.

- Advertisement -

Si kastaba hadalka hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo walaac farabadan iyo diidmo lagala horyimid Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo hee maamul Goboleed, isla markaana lagu tilmaamay in Guddiyadaas ay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories