HomeWararBaarlamaanka Hirshabeelle oo dood ka yeeshay wax ka bedelka Dastuurka

Baarlamaanka Hirshabeelle oo dood ka yeeshay wax ka bedelka Dastuurka

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta kulankii 8-aad kal-fadhiga koowad ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo kulankaas uu shir guddoomiyay Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed. Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu ahaa ka doodista warbixin ku aadan wax ka bedelka Dastuurka dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana kulankaas kasoo qeyb galay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka. […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta kulankii 8-aad kal-fadhiga koowad ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo kulankaas uu shir guddoomiyay Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed.

Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu ahaa ka doodista warbixin ku aadan wax ka bedelka Dastuurka dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana kulankaas kasoo qeyb galay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka.

- Advertisement -

Dhinaca kale Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Mahad Xassan Cismaan ayaa tilmaamay inuu socdo qorshe Maamulka uu ku doonayo in muddo xileedka Madaxda Hirshabeelle wax looga bedelo.

Waxaa uu sheegay in muddo xileedka Madaxda Hirshabeelle lagu darayo muddo hal sanno ah, wuxuuna sababta ku sheegay in la doonayo in la kala wareejiyo Doorashada Hirshabeelle iyo tan Federaalka Soomaaliya oo xili kasta isku soo aada.

”Arrintan waxaan u sameyneynaa si uu culeyska labada doorasho ee isku beegmaya aan isaga yareyno, waayo hadda waad la soctaa guddiga doorashada ku metelaya Dowladda Dhexe Hirshabeelle waxaa magacaabay Madaxweynihii hore Waare, waxey aheyd in uu magacaabo madaxweynaha la doortay ee Cali Guudlaawe, waxaana taa keenayaa waa labada doorasho ee mar walba isku beegmaya” ayuu yiri Mahad Xassan Cismaan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories