HomeWararQaxaati badan oo ka cararay dagaalka socda oo kusii qul-qulaya Suudan

Qaxaati badan oo ka cararay dagaalka socda oo kusii qul-qulaya Suudan

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Qaxaati farabadan oo ka cararay dagaalada xoogan ee ka socda waqooyiga dalka Itoobiya ayaa kusii qul-qulaya xaduuda dalka Suudaan, si halkaas ay goob ammaan ah uga raacsadaan. Dad ka badan 15,500 oo qof oo Itoobiyaan  ah ayaa u qaxay dalka Suudaan, waxayna hay’ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay sheegtay in dad badan oo kale ay […]

- Advertisement -

Qaxaati farabadan oo ka cararay dagaalada xoogan ee ka socda waqooyiga dalka Itoobiya ayaa kusii qul-qulaya xaduuda dalka Suudaan, si halkaas ay goob ammaan ah uga raacsadaan.

Dad ka badan 15,500 oo qof oo Itoobiyaan  ah ayaa u qaxay dalka Suudaan, waxayna hay’ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay sheegtay in dad badan oo kale ay ku sii socdaan dalkaasi.

- Advertisement -

Dagaalka u dhexeeya Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigree-ga ayaa galay maalintii 11-aad, waxaana ka dhashay khasaaro aad u xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenkeeda, Rupert Colville, ayaa sheegay in Bachelet ay si gaar ah uga xanuunsatay warbixin ay soo saartay Amnesty International oo la xiriirta dilal wadareedyo la sheegay in ay ka dheceen deegaanka Mai-Kadra ee koonfur-galbeed gobolka Tigree-ga.

Amnesty ayaa sheegtay in sawirada iyo muuqaallada laga helay goobtaasi ay muujinayaan boqolaal qof oo si xun loo dilay, waxaana ay sheegtay in dhibbaneyaashu ay u muuqdeen in ay ahaayeen xoogsato aan lug ku lahayn howlgallada Militariga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories