HomeWararMadaxda Tigree-ga oo War kasoo saaray Gantaalladii lagu weeraray Asmara

Madaxda Tigree-ga oo War kasoo saaray Gantaalladii lagu weeraray Asmara

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Hoggaamiyaha Gobolka Tigree-ga ee dalka Itoobiya Debretsion Gebremichael ayaa ka hadlay Gantaallo dhowr ah oo xalay ku dhacay Garoonka diyaaradaha Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eratariya. Hoggaamiye Debretsion Gebremichael ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Ismaamulka Tigree-ga ay ka dambeeyeen Gantaalladii lagu weeraray Garoonka Asmara iyo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta dowladda Eratariya. Hogaamiyaha Tigree-ga ayaa sidoo kale sheegay […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Gobolka Tigree-ga ee dalka Itoobiya Debretsion Gebremichael ayaa ka hadlay Gantaallo dhowr ah oo xalay ku dhacay Garoonka diyaaradaha Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eratariya.

Hoggaamiye Debretsion Gebremichael ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Ismaamulka Tigree-ga ay ka dambeeyeen Gantaalladii lagu weeraray Garoonka Asmara iyo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta dowladda Eratariya.

- Advertisement -

Hogaamiyaha Tigree-ga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisu ay maalmihii lasoo dhaafay la dagaalamayeen Ciidamada Eratariya, iyagoona ku eedeeyay dowladdaas inay ka qeyb qaadaneyso dagaalka ay kula jiraan  Ciidanka Milateriga Itoobiya.

Hadalkan kasoo yeeray Hoggaamiyaha Gobolka Tigree-ga ee dalka Itoobiya Debretsion Gebremichael ayaa la sheegay inuu sare u sii qaadeeyso xisaadda colaadeed ee u dhexeeysa dowladda Itoobiya iyo Tigree-ga.

Dagaalka u dhexeeya Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigree-ga ayaa galay maalintii 11-aad, waxaana ka dhashay khasaaro aad u xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories