HomeWararMaamulka Warsheekh oo ka hadlay dagaalkii khasaaraha geystay

Maamulka Warsheekh oo ka hadlay dagaalkii khasaaraha geystay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Muxudiin Maxamed Maalin ayaa ka hadlay dagaal beeleed kooban oo saakay ka dhacay deegaan hoostega degmadaas. Guddoomiye Muxudiin Maxamed oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dagaalkaas uu dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo wallaalo ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Xawaalo […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Muxudiin Maxamed Maalin ayaa ka hadlay dagaal beeleed kooban oo saakay ka dhacay deegaan hoostega degmadaas.

Guddoomiye Muxudiin Maxamed oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dagaalkaas uu dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo wallaalo ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Xawaalo Odayaal oo 25-KM u jira Warsheekh.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in dagaalka uu salka ku haayay arrimo la xiriira dhul laga shidayay Dhuxul, isla markaana maleeshiyaad isku qabsadeen, sidaasina ay rasaasta ku bilaabatay, wallow markii dambe dagaalka uu is iskiis u istaagay.

Sidoo kale Guddoomiye Muxudiin Maxamed ayaa xaqiijiyay in hal qof uu ku geeriyooday, mid kalena uu ku dhaawacmay dagaalkii dhacay, waxaana haatan xaaladda ay tahay mid deg, dhinacyadii dagaalamayna ay ku kala tageen halkaas.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Warsheekh ayuu tilmaamay in Odayaal iyo Waxgarad ay ku baxeen Colaada soo cusboonaatay, isla markaana la doonayo in xal laga gaaro wax kasta oo ay dhinacyada isku heystaan, laguna dhameeyo wada-hadal.

- Advertisement -

Guddoomiye Muxudiin Maxamed ayaa caddeeyay in Maamulka degmada Warsheekh uusan raali ka noqon doonin dilalka la xiriira aanooyinka qabiil iyo dagaal beeleedyada sopo laab-laabtay, wuxuuna Carabka ku dhuftay in Maamulka uu wado dadaadlo kala duwan oo lagu xaliyo dagaal beeleedyadaas.

8-dii Bishaan ayay aheyd markii deegaanka Xalluule ee duleedka Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe rag hubeysan ay ku dileen Hooyo iyo laba caruur ah oo dhashay, iyadoona falkaas uu ahaa mid la xiriiray aano qabiil oo weli aan lagu guuleysan in xal laga gaaro.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories