HomeWararMaamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray Digniin ku socota Ganacsato

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray Digniin ku socota Ganacsato

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa xalay Magaalada Muqdisho ka bilaabay wejiga labaad Bilic soo celinta Caasimadda, kadib markii qaar kamid ah waddooyinka ay xireen biyo farabadan oo ka hooray roobkii da’ay. Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada Gobolka Sharmaake Cadow Tuuryare ayaa waxaa uu sheegya in laga soo gudbay wejiga koowaad ee Bilic soo celinta, loona gudbay […]

- Advertisement -

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa xalay Magaalada Muqdisho ka bilaabay wejiga labaad Bilic soo celinta Caasimadda, kadib markii qaar kamid ah waddooyinka ay xireen biyo farabadan oo ka hooray roobkii da’ay.

Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada Gobolka Sharmaake Cadow Tuuryare ayaa waxaa uu sheegya in laga soo gudbay wejiga koowaad ee Bilic soo celinta, loona gudbay wejiga labaad oo ah sidii waddooyinka looga qaadi lahaa carro taalla iyo qashin soo raacay biyaha roobabkii da’ay.

- Advertisement -

Sidoo kale Agaasime Sharmaake Caddow ayaa shacabka Gobolka kunool ka Codsaday in Maamulka ay kala shaqeeyaan sidii loo celin lahaa Bilic Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dadka qaarkood ay yihiin kuwa aan xil iska saarin Bilicda.

Isaga oo sii hadlaayay Agaasime Tuuryare ayuu tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu tallaabo sharci ah ka qaadi doono dadka mar kasta waddooyinka ku shuba qashinka, isagoo xusay in dadkaas ay la kulmi doonaan ciqaab isugu jirta Ganaax iyo xarig.

Ugu dambeyn Sharmaake Caddow Tuuryare ayaa xusay in dadka ku Ganacsada hareeraha Laamiyada looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan bilicda, isla markaana cidii fulin weyda amarkaas Maamulka uu ruqsada Ganacsi uu kala noqo doono.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories