HomeWararMa dhabbaa in Ethiopian Airlines ay joojisay duulimaadyadeedii Puntland?

Ma dhabbaa in Ethiopian Airlines ay joojisay duulimaadyadeedii Puntland?

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Shirkadda Shirkadda Ethiopian Airlines ay joojisay Duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Magaalada Garoowe, hayeeshee warkaas ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Puntland. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyas Cismaan Lugatoor oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in aysan waxba ka jirin […]

- Advertisement -

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Shirkadda Shirkadda Ethiopian Airlines ay joojisay Duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Magaalada Garoowe, hayeeshee warkaas ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyas Cismaan Lugatoor oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in aysan waxba ka jirin wararka la faafiyay ee ahaa in Shirkadda Ethiopian Airlines ay joojisay Duulimaadyadii Garoowe, isagoona warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Wasiir Ilyas Cismaan in wax dhibaato ah aysan ka jirin Garoonka diyaaradaha Garoowe, isla markaana uu yahay mid si caadi ah u shaqeynayo, ayna shirkadda Shirkadda Ethopian Airlines shaqadeeda wadato.

Sidoo kale Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in diyaaradda Ethiopian Airlines ay Caasimadda Puntland ee Garoowe ay timaado 4 maalmood, wuxuuna dadka doonaya inay ku safraan diyaaradahaas ay tahay mid shaqeyneysa.

Gaba-gabadii Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa uga digay dadka faafinaya wararka been abuurka ah ee lagu Jahwareerinayo shacabka, isagoo ugu baaqay warbaahinta ay iska ilaaliyan wararka la faafinayo ee beenta ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories