HomeWararDarawal si bareer ah loogu dilay waddo ku taalla Magaalada Muqdisho

Darawal si bareer ah loogu dilay waddo ku taalla Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa goordhaweyd inta u dhexeeysa Isgoyska Furalanca iyo Siinaay ee Magaalada Muqdisho si bareer ah ugu toogtay Darawal Mooto Bajaaj. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dilka loo geystay Darawalka Mooto Bajaajle ahaa uu ka dambeeyay, kadib markii uu muran kooban soo kala […]

- Advertisement -

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa goordhaweyd inta u dhexeeysa Isgoyska Furalanca iyo Siinaay ee Magaalada Muqdisho si bareer ah ugu toogtay Darawal Mooto Bajaaj.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dilka loo geystay Darawalka Mooto Bajaajle ahaa uu ka dambeeyay, kadib markii uu muran kooban soo kala dhex-galay Askariga iyo Darawalka la toogtay.

- Advertisement -

Muranka ayaa la xiriiray in markii horey Askarigaas oo watay Mooto laba lugaaley uu ku dhawaaday Darawalkii Bajaajle ahaa, uuna ka dalbaday inuu wadada u baneeyo, balse is afgaar kadib uu Askariga rasaas ku furay Darawalka, sidaasina uu ku geeriyooday.

Askariga dilka geystay ayaa durbo goobta uga baxsaday Mootadii uu watay, isla markaana waxaa daqiiqado kadib goobta laga qaaday Meydka Darawalkii la dilay, waxaana la sheegay in loo aaday dhinaca Xarunta CID-da.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda si bareer ah waxaa ay ugu dilaan Darawalada ku shaqeysta Mooto Bajaajta, waxaana horey Caasimadda dalka loo dilay dhalinyaro farabadan oo ku shaqeysan jirtay Mooto Bajaajta.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories