HomeWararDagaal ka dhacay degaan hoostega Warsheekh iyo khasaaro ka dhashay

Dagaal ka dhacay degaan hoostega Warsheekh iyo khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaan hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas aroornimadii hore ee saakay uu dhacay dagaal xoogan. Dagaalkaas ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, waxaana uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Xawaalo Odayaal oo hoostega Degmada Warsheekh, iyadoo labada […]

- Advertisement -

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaan hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas aroornimadii hore ee saakay uu dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkaas ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, waxaana uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Xawaalo Odayaal oo hoostega Degmada Warsheekh, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub kala duwan.

- Advertisement -

Dad la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in dagaalkaas salka ku haayo arrimo la xiriira dhul laga shidayo dhuxul oo ku yaalla deegaanka Xawaalo Odayaal, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Laba ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka mid kalena uu dhaawac Culus soo gaaray oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay, isla markaana waxaa xaaalad kacsanaan ah laga dareemayaa goobtii dagaalka uu ka dhacay.

Maalmo kahor ayay markii dad isku qoys ahaa lagu dilay deegaanka Xalluule oo hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo falkaas uu ahaa mid la xiriiray aano qabiil oo weli aan lagu guuleysan in xal laga gaaro dhacdadaas.

- Advertisement -

Si kastaba muddooyinkii ugu dambeeyay deegaano iyo degmooyin oo hoostega Warsheekh ayaa waxaa kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilala la xiriira aano qabiil, waxaana qaarkood lagu guuleystay in xal laga gaaro, halka kuwo kalena aan weli la xalin.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories