HomeWararAl-shabaab oo la wareegay degaan ku dhow Magaalada Dhuusamareeb

Al-shabaab oo la wareegay degaan ku dhow Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka aan ka heleyno deegaan ku dhow Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayan in halkaas ay la wareegeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab. Dadka deegaanka Ceel-dheere ayaa ku warramay in xalay Al-shabaab ay gadaha usoo galeen deegaanka, iyaga oo wata gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana halkaas uusan ka dhicin wax […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan ku dhow Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayan in halkaas ay la wareegeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

Dadka deegaanka Ceel-dheere ayaa ku warramay in xalay Al-shabaab ay gadaha usoo galeen deegaanka, iyaga oo wata gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana halkaas uusan ka dhicin wax dagaal ah oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Shabaabka.

- Advertisement -

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka lagu magacaabo Ceel-dheere oo u dhow Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale Shabaabka ayaa tilmaamay in deegaanka markii horey ay isaga baxeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug oo ku sugnaa, kadibna ay qabsadeen, iyadoo wax dagaalka uusan dhicin.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda qeybta 21-aad iyo Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in xalay Shabaab ay la wareegeen deegaanka Ceel-dheere.

- Advertisement -

Deegaanka Ceel-dheere ee Gobolka Galgaduud ayaa ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, wuxuuna u dhow yahay Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka waday deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in dhinacyada ay dhexmareen dagaalo xoogan oo geystay khasaaro.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories