HomeCaalamkaTirada dadkii ku Barakacay dagaalka ka socda Itoobiya oo la shaaciyay

Tirada dadkii ku Barakacay dagaalka ka socda Itoobiya oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka tan iyo 4-tii November oo uu Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed u diray ciidanka difaaca qaranka in ay howlgallo ka fuliyaan gobolka Tigray, ka dib markii uu ku eedeeyay ciidamada gobolkaasi in ay weerareen saldhig militari. Dad ka badan 14,500 oo qof oo Itoobiyaan  ah ayaa u qaxay dalka Sudan, waxayna […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka tan iyo 4-tii November oo uu Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed u diray ciidanka difaaca qaranka in ay howlgallo ka fuliyaan gobolka Tigray, ka dib markii uu ku eedeeyay ciidamada gobolkaasi in ay weerareen saldhig militari.

Dad ka badan 14,500 oo qof oo Itoobiyaan  ah ayaa u qaxay dalka Sudan, waxayna hay’ada qaxootiga u qaabilsan QM sheegtay in dad badan oo kale ay ku sii socdaan dalkaasi.

- Advertisement -

Jimcihii, Wakiilka Sare ee QM ee xuquuqul insaanka, Michelle Bachelet, ayaa muujisay qeylo dhaan ku aadan xaaladda sida degdegga ah uga sii daraysa ee gobolka Tigray.

Afhayeenkeeda, Rupert Colville, ayaa sheegay in Bachelet ay si gaar ah uga xanuunsatay warbixin ay soo saartay Amnesty International oo la xiriirta dilal wadareedyo la sheegay in ay ka dheceen deegaanka Mai-Kadra ee koonfur-galbeed gobolka Tigray.

Amnesty ayaa sheegtay in sawirada iyo muuqaallada laga helay goobtaasi ay muujinayaan boqolaal qof oo si xun loo dilay. Waxa ay sheegaysaa in dhibbaneyaashu ay u muuqdeen in ay ahaayeen xoogsato aan lug ku lahayn howlgallada militariga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts