HomeWararQarax khasaaro geystay oo ka dhacay Somaliland iyo faah faahin laga helay

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Somaliland iyo faah faahin laga helay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa qarax xoogan uu ka dhacay degmo ka tirsan Gobolka Togdheer ee Somaliland, sida ay sheegayaan wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso halkaas. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay duleedka degmada Balli-dhiig ee Togdheer, isla markaana waxaa ay la qaraxday gaari […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa qarax xoogan uu ka dhacay degmo ka tirsan Gobolka Togdheer ee Somaliland, sida ay sheegayaan wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso halkaas.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay duleedka degmada Balli-dhiig ee Togdheer, isla markaana waxaa ay la qaraxday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, xili uu mararay wadada.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa soo weriyay in qaraxaas uu ka geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray saddex qof oo kamid ah dadkii gaariga ka saarnaa qeybta hore, waxaana si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad.

Mid kamid ah dadkii dhaawacyada soo gaareen ayaa markii la geeyay Xarun Caafimaad waxaa la tilmaamay inuu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray marka hore oo ahaa mid Culus.

Sawirro laga soo qaaday gaariga ay miinada la qaraxday laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in gebi ahaan uu gaariga burburay, kaasi ahaa Bus nooca dadweynaha raacaan.

- Advertisement -

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha ee gabal-dhicii galabta ka dhacay duleedka degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer ee Somaliland.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories