HomeWararMuuse Biixi oo War kasoo saaray Qaraxii khasaaraha geystay ee ka dhacay...

Muuse Biixi oo War kasoo saaray Qaraxii khasaaraha geystay ee ka dhacay Somaliland

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo gelinkii dambe ee galabta ka dhacay duleedka Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Miinada ayaa la qaraxday gaari nooca dadweynaha saaraan oo ay la socdeen Arday waxka barata Iskuulka Ina Sanweyne […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo gelinkii dambe ee galabta ka dhacay duleedka Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Miinada ayaa la qaraxday gaari nooca dadweynaha saaraan oo ay la socdeen Arday waxka barata Iskuulka Ina Sanweyne oo ku yaalla Somaliland, waxaana halkaas ku geeriyooday Nin lagu magacaabi jiray Cali Ibraahim Sii-arag.

- Advertisement -

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ibraahim Sii-arag oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Alle uga baryay ardaydii ku dhaawacan tahay qaraxaa miinada inuu caafimaad taama siiyo, isla markaana u boogo dhayo dhibaatadii soo gaartay qaraxaas.

Sawirro laga soo qaaday gaariga ay miinada la qaraxday laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in gebi ahaan uu gaariga burburay, kaasi ahaa Bus nooca dadweynaha raacaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories