HomeWararMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Dalab u diray Beesha Caalamka

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Dalab u diray Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan gacan ka geysan dhismaha Maamulkaas iyo Doorashooyinkii dhacay. Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Jowhar ayaa waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka la wada ogyahay in gacan ka geysatay dhismaha dowlad Goboleedyada dalka, hayeeshee dhismaha Hirshabeelle aysan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan gacan ka geysan dhismaha Maamulkaas iyo Doorashooyinkii dhacay.

Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Jowhar ayaa waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka la wada ogyahay in gacan ka geysatay dhismaha dowlad Goboleedyada dalka, hayeeshee dhismaha Hirshabeelle aysan gacan ka geystan.

- Advertisement -

Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Hirshabeelle ayuu sheegay isku tashadeen, kadibna ay dhisteen maamul loo dhan yahay, wxuuuna xusay in tallaabadaas ay tahay mid wanaagsan, isagoona u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cali Guudlaawe ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay ka qeyb qaatan horumarinta deegaanada Hirshabeelle, wuxuuna Carabka ku dhuftay in Beesha Caalamka ay soo dhaweynayan, isla markaana aysan ku xiri doonin wax shuruud ah.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Maamulka ee ka qeyb qaatay dhismaha Hirshabeelle loo dhan yahay.

- Advertisement -

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isagoona hoggaamin doona Maamulkaas afarta sanno ee soo socota, waxaana dhammaan Doorashiisa boggaadiyay Madax kala duwan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories