HomeWararItoobiya oo kumanaan Askari kala baxeysa Somalia iyo sababta keentay

Itoobiya oo kumanaan Askari kala baxeysa Somalia iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in kumanaan Askari oo ka tirsan Ciidankeeda kuna sugan gudaha dalka Soomaaliya ay dib ugala baxayaan, iyagoona ka hadlay sababta keentay in Ciidankooda ay xiligaan kala baxaan dalka. Illaa 3,000 askari oo ah Ciidanka Difaaca Qaranka dalka Itoobiya ayaa laga saarayaa Soomaaliya, waxaana Ciidankaas dalka u joogeen ka qeyb […]

- Advertisement -

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in kumanaan Askari oo ka tirsan Ciidankeeda kuna sugan gudaha dalka Soomaaliya ay dib ugala baxayaan, iyagoona ka hadlay sababta keentay in Ciidankooda ay xiligaan kala baxaan dalka.

Illaa 3,000 askari oo ah Ciidanka Difaaca Qaranka dalka Itoobiya ayaa laga saarayaa Soomaaliya, waxaana Ciidankaas dalka u joogeen ka qeyb galka howlgalka midowga Afrika ee AMSIOM, iyagoona ka qeyb qaatay howlgalo la fuliyay.

- Advertisement -

Sidoo kale Ciidanka ka baxaya Soomaaliya ayaa waxaa ay xoojin u ahaayeen oo ay caawinayeen 5,000 oo askar Itoobiyaan ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Itoobiya ayaa sheegtay in Ciidankan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhan ah Gobolka Tigree-ga ee ka socda Waqooyiga dalkaas oo galay maalintii 10-aad, waxaana dagaalkaas ka dhacay khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bishii lasoo dhaafay boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka  Itoobiya ayaa isaga baxay degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana Ciidankaas lagu soo bedelay kuwo ka socda dowlad deegaanka Soomaalida.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories