HomeWararGuddoonka Barlamaanka Hirshabeelle oo balan qaadkii ugu horreyay sameeyay

Guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle oo balan qaadkii ugu horreyay sameeyay

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa sheegay in afarta sanno ee soo socta ay ka shaqayn doonaan Hirshabeelle xasilloon oo aan mooshin iyo is-qab qabsi lahayn. Guddoomiyaha oo boggaadiyay howshii adkayd oo la qabtay ayaa shacabka ku ammaanay dadaalladii ay ku bixiyeen sidii amniga qeyb ay uga qaadan la haayeen xilli xasaasi ah oo […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa sheegay in afarta sanno ee soo socta ay ka shaqayn doonaan Hirshabeelle xasilloon oo aan mooshin iyo is-qab qabsi lahayn.

Guddoomiyaha oo boggaadiyay howshii adkayd oo la qabtay ayaa shacabka ku ammaanay dadaalladii ay ku bixiyeen sidii amniga qeyb ay uga qaadan la haayeen xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashooyin.

- Advertisement -

Cabdixakiin Luqmaan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulka  inay la shaqeeyaan Madaxda Cusub ee Maamulka uu yeeshay si loo gaaro horumar dhina kasta ah oo la doonayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa tilmaamay in hamigoodu yahay Hirshabeelle oo amni iyo barwaaqo ah isagoo carrabka ku adkeeyay in kaligood aysan wax qaba karin laakiin ay ku dadaali doonaan in la abuuro jawi ay ku wada shaqeeyaan maamulka iyo bulshada Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar ayaa maalmo kahor ka dhacday Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa yuusuf Daba-geed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories