HomeWararDil ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo faah faahin kasoo baxeysa

Dil ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland oo habeenkii xalay aheyd gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dilay laba wiil oo dhalinyaro ah. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilka raggaas uu ka dambeeyay, kadib markii xaafad ka tirsan Boosaaso uu ka dhacay dagaal gacan ka hadal ah […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland oo habeenkii xalay aheyd gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dilay laba wiil oo dhalinyaro ah.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilka raggaas uu ka dambeeyay, kadib markii xaafad ka tirsan Boosaaso uu ka dhacay dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray laba koox oo dhalinyaro ah, ayna dagaalkaas ku soo baxeen Ciidanka amniga.

- Advertisement -

Ciidanka Booliska oo doonayay inay dhalinyarada kala eryaan ayaa joojinta dagaalka u adeegsaday rasaas, waxaana markii dambe rasaasta ay fureen Ciidamada ku  dhacday laba kamid ah dhalinyarada, iyagoona goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa xabsiga dhigay dhalinyaro dhowr ah oo qeyb ka ahaa dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhexmaray, waxaana qaar kamid ah rasaas soo gaaray dhaawacyo loo adeegsaday dhagxaan.

Si kastaba Magaalada Boosaaso ayaa waxaa la tilmaamay in xiliyada qaarkood ay ka dhacaan falal la xiriira dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray dhalinyaro kamid ah kuwa deegaanka, iyagoona mararka qaar isku geysta dhaawacyo kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories