HomeWararBanaanbax ballaaran oo ka dhacay degmada Warsheekh

Banaanbax ballaaran oo ka dhacay degmada Warsheekh

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo lagu taageerayay Doorashadii Madaxweyaha Cusub ee Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo ka dhacday Jowhar. Dadweyne farabadan oo isugu jiray Haween, dhalinyaro iyo  Odayaal ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada, iyagoona ahaa kuwo taageerayay Doorashada Madaxweyne Cali Cabdullaahi  Xuseen Guudlaawe […]

- Advertisement -

Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo lagu taageerayay Doorashadii Madaxweyaha Cusub ee Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo ka dhacday Jowhar.

Dadweyne farabadan oo isugu jiray Haween, dhalinyaro iyo  Odayaal ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada, iyagoona ahaa kuwo taageerayay Doorashada Madaxweyne Cali Cabdullaahi  Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Daba-geed.

- Advertisement -

Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku xar-dhan yihiin Sawiradda Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe, waxaana ay ku qeylinayeen erayo ay ku taageersan yihiin Doorashadii ka dhacay arbacadii lasoo dhaafay Magaalada Jowhar.

Qaar kamid ah dadkii banaanbaxa ka dhigayay degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo la hadlay warbaahinta ayaa Cali Guudlaawe ugu hambalyeeyay xilka Cusub ee loo doortay, iyagoona sheegay inay soo dhaweynayan Doorashadiisa.

Inta badan degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayay Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories