HomeWararTaabit Cabdi “Qatarta ugu weyn ee ummad iyo qarankooda soo wajaha waa...

Taabit Cabdi “Qatarta ugu weyn ee ummad iyo qarankooda soo wajaha waa hoggaan aan waxba u tureyn”

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ku taliyay in shacabka Soomaliyeed aan la cabburin, waxaana uu sheegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir in shacabku ay Qatar weyn uu ku yahay hoggaan aan waxba u tarayn. Madaxda talada dalka haysa ayuu sheegay Taabit in awooddooda ay shacabka iyo dadka ka aragtida duwan ay ku […]

- Advertisement -

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ku taliyay in shacabka Soomaliyeed aan la cabburin, waxaana uu sheegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir in shacabku ay Qatar weyn uu ku yahay hoggaan aan waxba u tarayn.

Madaxda talada dalka haysa ayuu sheegay Taabit in awooddooda ay shacabka iyo dadka ka aragtida duwan ay ku cabsi galinayaan, waxaana uu sheegay in awoodda ay maanta haystaan ay tahay wax dhammaanaya, shacabkana aan la qasbi karin.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray ayuu Taabit Cabdi Maxamed waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan maraxaladda siyaasadeed ee dalka.

Hoos ka aqriso Qoraalka uu soo saaray Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi

Qatarta ugu weyn ee ummad iyo qarankooda soo wajaha waa hoggaan aan waxba u tureyn.

- Advertisement -

Waa sida ay wax u socdaan maanta, mar haddii maamulkii dowladnimo sii noqonayo mar hadii aan helay waxba dhowran maayo.

Awooddu waa dab oo kale, waad ku baacin kartaa dadka kale waqti gaaban, balse ogow dabka adiga ayaa gacanta ku haya, haddaanan lagaa qabanna waa adiga cidda ugu horeysa ee ku gubaneysa, haarta ugu weynna uu ku reebayo.

Waxaan ku talineynaa in caqligu shaqeeyo, oo dadka Soomaaliyeed ee dowladnimada rajada ka qaba loola dhaqmin maxaa iiga lumaya. Dalka iyo Dadka ha loo turo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories