HomeWararQarax ay ku dhinteen Dad Shacab ah oo ka dhacay Gobolka Sool

Qarax ay ku dhinteen Dad Shacab ah oo ka dhacay Gobolka Sool

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa ku warramaya in Qarax Xooggani uu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Dharkingee oo 7KM u jira Magaalada Laascaanood ee Gobolkaasi, waxaana Qaraxaasi ka dhashay Khasaarer farabadan. Qaraxa  ayaa ahaa Miino Haraadi ah, waxaana ku dhintay Seddex ruux oo isku Qoys ah iyo 8 Neef oo Geel ah, waxaana la […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa ku warramaya in Qarax Xooggani uu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Dharkingee oo 7KM u jira Magaalada Laascaanood ee Gobolkaasi, waxaana Qaraxaasi ka dhashay Khasaarer farabadan.

Qaraxa  ayaa ahaa Miino Haraadi ah, waxaana ku dhintay Seddex ruux oo isku Qoys ah iyo 8 Neef oo Geel ah, waxaana la sheegay in Miinada Qaraxday ay tahay Mid haraadi ah oo ka hartay dagaaladii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana sidaasi warbaahinta u Xaqiijiyay Guddoomiyaha degaaanka Qaraxu ka dhacay Zakariye Cabdullaahi Xersi.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Guddoomiyuhu in Miinooyinka ay ku badan yihiin degaanka, isagoo intaas ku daray in Xiliyada Roobabka ay Miinooyinka aya bannaanka  usoo baxaan, maaddaama Biyaha Roobku ay ka xaaqaan Ciidda ka korreysa Miinooyinka taasi oo keentay in Xoolaha  iyo dadku ku istaagaan, waxaana inta badan ay qarxaan Marka uu Geelo ku Istaago.

Inta badan Gobolada dalka ayaa waxaa ka dhaca Qaraxyada Noocaan ah ee Minooyinka haraadi ah ay sababaan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories