HomeWararMadaxweyne farmaajo oo Saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka Dadban

Madaxweyne farmaajo oo Saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka Dadban

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka Dadban kaas oo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay si wadajir ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 26-kii Sebteembar 2020. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in saxiixa heshiiskan uu caddeyn buuxda u yahay sida ay uga go’an tahay Maamulka uu hoggaamiyo sii ambaqadidda hannaanka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka Dadban kaas oo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay si wadajir ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 26-kii Sebteembar 2020.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in saxiixa heshiiskan uu caddeyn buuxda u yahay sida ay uga go’an tahay Maamulka uu hoggaamiyo sii ambaqadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo qabsoomidda doorasho saldhigeedu yahay Heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen Madaxda Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed 17-kii Sebteemar 2020.

- Advertisement -

“Waxaan dalka u jihaynay doorasho. Laga soo bilaabo 1-dii Bishii Oktoobar ee sanadkan oo aan la saxiixanay Madaxda Dowladda Goboleedyada dalka Heshiiskii Habraacyada doorashooyinka, waxaan qaadnay tallaabooyinka Heer Federaal ee ku aaddan qabsoomidda doorashada iyo dhaqan gelinta dhammaan qodobbada ku jira Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Baarlamaanka Federaalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir dadaalkii ay ku bixiyeen in heshiis laga gaaro wadahadalladii ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka dalka ee ku qabsoomay Samareeb iyo Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare dhammeystirka habraacii uu sharciga ku noqday Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda dardargelinta doorkeeda ku aaddan fududeynta qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskan ay ansixiyeen Baarlamaanku, kuna meel maray saxiixa Madaxweynaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories