HomeWararDil Naxdin leh oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Dil Naxdin leh oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka ka imaanaya Gobolka  Galagaduud  ee Bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in Xalay degaanka Mareergur uu ka dhacay dil aad u Foolxun oo loo gaystay Qof dhimirka ka xanuunsan oo ku Noolaa degaankaas. Wararku waxaa ay sheegayaan in dil loo gaystay Tima Jilic Haarey oo la sheegay in uu ahaa Qof Xanuuunsan, isla markaanaa Geed […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya Gobolka  Galagaduud  ee Bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in Xalay degaanka Mareergur uu ka dhacay dil aad u Foolxun oo loo gaystay Qof dhimirka ka xanuunsan oo ku Noolaa degaankaas.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dil loo gaystay Tima Jilic Haarey oo la sheegay in uu ahaa Qof Xanuuunsan, isla markaanaa Geed ku xirnaa, waxaana uu ahaa ruux si weyn looga yaqaanay degaanka.

- Advertisement -

Qofka dilka fuliyay ayaa la sheegay in uu Goobta isaga baxsaday, isagoo ku saantirtay laamiga mara degaanka.

Dilka Marxuumka ayaa la yaab ku noqotay dadka degaanka, waxaana goobta soo gaaray Ciidanka ammaanka kuwaasi oo la sheegay in ay sameeyeen howlgalo lagu baadi goobayo ruuxii dilka fuliyay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay marxuumka, waxaana degaanada Gobolka Galgaduud inta badan ka dhaca dagaalo salka ku haaya aanooyin Qabiil.

- Advertisement -

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories