HomeWararWefdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Magaalada baydhaba

Wefdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Magaalada baydhaba

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay qeybaha bulshada, wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo maanta u baxsaday safarkeedii ugu horeeyay tan iyo markii xilka loo magacaabay. U jeedka socdaalka wefdiga wasiirka ay hogaaminayso ayaa ah u ololeynta xuquuqda haweenka ee siyaasadda […]

- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay qeybaha bulshada, wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo maanta u baxsaday safarkeedii ugu horeeyay tan iyo markii xilka loo magacaabay.

U jeedka socdaalka wefdiga wasiirka ay hogaaminayso ayaa ah u ololeynta xuquuqda haweenka ee siyaasadda dalka iyo xaqiijinta kuraasta dumarka ee golliyaasha dowladda gaar ahaan labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

- Advertisement -

Wasiirka haweenka Koofur Galbeed, oo hor kacaysa soo dhoweynta wefdiga wasiirka ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay soo dhoweynta wasiirka haweenka Soomaaliya.

Soo dhoweynta ka dib, wasiir Xaniifa, oo warfidiyeenka kula hadashay qeybta nasashada garoonka diyaaradaha ee Shaata gaduud ee magaalada Baydhabo ayaa u mahad celisay dadkii soo dhoweeyay, waxayna sheegtay in ay ku faraxsan tahay maanta in ay Baydhabo noqoto meeshii ugu horeysay oo ay timaado tan iyo markii xilka loo magacaabay.

“Ololeynta kuraasta haweenka, maadama wadanka uu galay xilli doorasho, halbeega xukuumadda aan ka tirsanahay ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay tahay xaqiijinta kuraasta haweenka, Insha’alah dhowr maalin ayaa joogi doona, waxaana la kulmayaa qeybaha bulshada” ayay tiri wasiir Xaniifa.

- Advertisement -

Soo dhoweynta wefdiga wasiirka waxaa ka qeybgalay, wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories