HomeWararWarta Degmada Boondheere oo ku fatahday xaafado ka mid ah degmada

Warta Degmada Boondheere oo ku fatahday xaafado ka mid ah degmada

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Roobabkii ka da’ayay magaalada Muqdisho maalmahii u dambeeyay ayaa sababay fatahaad ay sameyeen bulaacadaha ku yaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan bulaacadda Warta Boondheere ee Gobolka Banaadir  oo ku fatahday qaar ka mid ah xaafadaha Degmada Boondheere, taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha iyo caafimaadka dadka danta yar  ee ku nool Degmada Boondheere Bulaacadan ku taala […]

- Advertisement -

Roobabkii ka da’ayay magaalada Muqdisho maalmahii u dambeeyay ayaa sababay fatahaad ay sameyeen bulaacadaha ku yaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan bulaacadda Warta Boondheere ee Gobolka Banaadir  oo ku fatahday qaar ka mid ah xaafadaha Degmada Boondheere, taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha iyo caafimaadka dadka danta yar  ee ku nool Degmada Boondheere

Bulaacadan ku taala Degmada Boondheere oo buux dhaaftay ayaa keentay in xaafado qaar ay go’doon galaan oo dadka deegaanka ay ka cabanayaan biyaha ka yimid bulacaadda inay go’doomiyeen, waxaana maamulka Degmada Boondheere oo kaashanaya kan Gobolka Banaadir ay ku xireen warta matoor loogu tala galay in uu ka saaro biyaha ku jira, iyadoo ay xiran yihiin ilaha biyo mareenada ee horay badda ugu shubi jiray.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah dadka ku nool Degmaad Boondheere oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan biyaha wasaqda ah ee ka imaanaya Warta Boondheere.

Raxma  Maxamed  Geeddi oo ka mid ah howlwadeenada caafimaadka MCH Degmada Boondheere ayaa ka hadashay dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ah ee ka dhashay Warta iyo sida ay saameysay bulshada ku nool Degmada.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo culimada ku nool Degmada ayaa codsaday in loo dhiso goobaha biyo mareenada oo biyaha roobka badda ku shubi jiray.

- Advertisement -

Gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda degmada Boondheere Suldaan Maxamed Aweys Axmed ayaa sheegay in bulshada degmada uu saameyn ku yeeshay Warta, isagoo intaa ku daray in ka maamul ahaan ay ku dadaali doonaan sidii biyaha looga saari lahaa Warta Boondheere.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories