HomeWararMuuse Biixi oo Qaabilay Wefdi ka socda Jabuuti

Muuse Biixi oo Qaabilay Wefdi ka socda Jabuuti

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ka socday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo Somaliland u yimid hawlo shaqo oo ay labada dhinac ay iska kaashan-doonaan. Kulankan Madaxweynuhu ku qaabilay wasiirka ayaa ku soo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ka socday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo Somaliland u yimid hawlo shaqo oo ay labada dhinac ay iska kaashan-doonaan.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabilay wasiirka ayaa ku soo beegmaya dardar-gelinta xidhiidhka walaalnimo, iskaashi iyo derisnimo ee Xukmadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ka dhexeeyey oo muddooyinkii u danbeeyey ay labada dhinac xoojiyeen, muddo bil gudeheed ahna ay laba wefti oo ka socda dalka Jabuuti soo gaadhaan Somaliland, kuwaas oo u socday horumarinta iyo adkaynta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dhinac.

- Advertisement -

Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Xukmadda Somaliland, wasiirrada xannaanada xoolaha & horumarinta kalluumaysiga iyo Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland.

Markii kulankaasi soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo Wasiirka Biyaha ee dhigiisa ah ku soo dhaweeyey dalka una sheegay inuu joogo waddankiisii labaad, waxaanu yidhi “Wasiir Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) waxaan kugu soo dhaweynayaa Caasimadda Hargeysa ee Xukmadda Somaliland, waxaan  leeyahay waa dalkaagii  hooyo, runtii waxaa noo sharaf ah inaan iskaashi hor leh oo Biyaha Beeraha Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ah aanu wadaagi doono annaga iyo wasiirku.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories