HomeWararKhasaaraha ka dhashay Wasiir ka tirsan Jubbaland oo Gurigiisa la Qarxiyay

Khasaaraha ka dhashay Wasiir ka tirsan Jubbaland oo Gurigiisa la Qarxiyay

Date:

Related stories

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Maamulka Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa ka bad-baaday isku day dil kadib markii xalay fiidkii Qarax miino loogu xiray gurigiisa. Wararku waxaa ay sheegayaan in Qaraxa lagu sii diyaariyay Qol k mid ah Guriga Wasiirka, waxaana si gaar ah loogu xiray qaraxa Qol ay degganyihiin ilaalada Wasiirka, waxaana ka dhashay Qaraxaasi […]

- Advertisement -

Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Maamulka Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa ka bad-baaday isku day dil kadib markii xalay fiidkii Qarax miino loogu xiray gurigiisa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Qaraxa lagu sii diyaariyay Qol k mid ah Guriga Wasiirka, waxaana si gaar ah loogu xiray qaraxa Qol ay degganyihiin ilaalada Wasiirka, waxaana ka dhashay Qaraxaasi Khasaare kaal duwan oo soo gaaray ilaalada Wasiirka.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay Weerarkaasii ayaa waxaa ku geeriyooday saddex askari oo ka mid ahaa ilaaladii Wasiirka, waxaana la sheegaya in Lab aka mid ah ay yihiin walaalo.

Wasiir Caydiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, islamarkaana oo aysan jirin wax dhib ah oo isaga kasoo gaaray weerarkaasi, marka laga reebo in Khasaaraha soo gaaray ilaaladiisa.

Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo Lagu Weeraray Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Cabdi Baaleey, waxaana soo badanaya weerarada iyo dilalka Qorsheysan ee loo gaysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulkaasi, iyadoo ay xusid mudan tahay in habeenno ka hor mas’uul kale lagu Rasaaseeyay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories