HomeWararFaah faahino_ Guddoomiye Degmo  oo Qaraxa lagula eegtay Magaalada Muqdisho 

Faah faahino_ Guddoomiye Degmo  oo Qaraxa lagula eegtay Magaalada Muqdisho 

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana la sheegay in Qaraxu  ahaa Miino waddada dhinaceeda lagu aasay. Jugta Qaraxa oo si weyn looga maqlay Qaybo ka mid ah  Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolkani Bnaadir, waxaana  lala beegsaday Guddoomiyaha Degmada […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana la sheegay in Qaraxu  ahaa Miino waddada dhinaceeda lagu aasay.

Jugta Qaraxa oo si weyn looga maqlay Qaybo ka mid ah  Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolkani Bnaadir, waxaana  lala beegsaday Guddoomiyaha Degmada Hodan Cabdi Xakiin Dhagajuun oo sida la sheegay goobta uu qaraxu ka dhacay marayay.

- Advertisement -

Wararkii ugu dambeeyay ee aan helayno ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uu dhaawac soo gaaray, waxaana la sheegay in ay goobta ku dhinteen labo ka mid ah ilaaladiisa, iyadoo uu bur-buray gaarigii Qaraxu qabsaday.

Xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha ayaa lagula tacaalaya mid ka mid ah Cusbitaalada Magaalada Muqdisho.

Qaraxa kadib waxaa Goobta soo gaaray Ciidamada dowladda oo isugu jira Nabad sugid iyo Boolis kuwaasi oo la sheegay in ay howlgallo sameeyeen.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories